Cabdillaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigaan waydiiyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: xaga Ilaahay dambigee ugu...
Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, waxaa la waydiiyey dambiyada ugu waa wayn wuxuuna yiri: Dambiyada shirkiga wayn ayaa ugu wayn, waana i...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: " Ummaddayda oo dhan janaday galaysaa qofka iska diida maahee...
Nabigu scw wuxuu sheegay in Ummaddiisu dhamaan janada galayso qofkii iska diida maahee! Asaxaabtu Allaha ka raali noqdee waxay yiraahdeen yaa diid...
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya: ((Ha ku xad gudbina amaantayda si...
Nabigu scw wuxuu reebay in xadka sharciga ah la dhaafiyo amaantiisa oo lagu sifeeyo sifaatka Ilaahay iyo ficilka Ilaahay u gaarka ah, ama in lagu shee...
Anas Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: ( Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo...
Rasuulku wuxuu inoo sheegay in qofka muslimku iimaankiisu kaamil noqon karin ilaa uu ka hor mariyo jacaylka Nabiga scw jacaylka hooyadii, aabbihii, wi...
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- inuu yiri: "Ha i weydiinina waxaan ka aamuso, w...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay axkaamta shareecadu inay saddex tahay: qayb laga aamusay, qayb la iska reebay iyo qayb l...

Cabdillaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigaan waydiiyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: xaga Ilaahay dambigee ugu wayn?, wuxuu yiri: "waa adigoo Ilaahay u sameeya mid la mida isagoo ku abuuray", waxaan iri: arinkaasi waa mid wayn, maxaa ku xiga?, wuxuu yiri: "inaad ilmahaaga disho, adoo ka cabsanaaya inuu wax kula cuno", waxaan iri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: "inaad ka sinaysatid xaaska dariskaaga".

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: " Ummaddayda oo dhan janaday galaysaa qofka iska diida maahee ", waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, yaa diidaya? wuxuu yiri: "qofka i adeeca janaduu galayaa, kan i caasiyana waa qof diiday-janada".

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya: ((Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryam, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa)).

Anas Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: ( Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo dhan.

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- inuu yiri: "Ha i weydiinina waxaan ka aamuso, waxaa halaagay kuwii idinka horeeyey su'aalahoodii iyo ambiyadoodii oo ay khilaafayeene, hadaan wax idinka reebo ka fogaada, hadaan wax idin farana la imaada inta aad ka awoodaan.

Cabdullaahi Binu Camar waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiye inuu Nabigu scw yiri: (Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa).

Almiqdaam inu macdi yakrib-Allaha ka raali noqdee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri-: War hooy ma laga yaaba in xadiiskaygu gaaro nin fadhigiisa ku dangiiga oo yiraahda : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya kitaabka Ilaahay, waxaan ka helno ee xalaal ah waan xalaashanaynaa, waxaan ka helno ee xaaraan ahna waan iska xarimeynaa, hadaba wixii uu xarimay Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi kor kiisa ha ahaate waa sida waxa Ilaahay xarimay.

Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka wada raali ahaadee waxay yiraahdeen: Markuu ku soo dagay Rasuulka Ilahay scw sakaraadka geeridu wuxuu bilaabay inuu wajiga iska saaro cimaamad uu lahaa, markuu sakaraadku ku sii kordhana wuu iska qaadaayey, wuxuu yiri isagoo xaaladaa ku sugan:" Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro, qubuuraha nabiyadooda ayey masaajid ka dhigteen" wuxuu ka digay waxay sameeyeen.

Abii Hurayra Allaha ka raali ahaade Nabiga wuxuu ka wariyey: Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam, Ilaahay wuu lacnaday qoladii ka dhigata qubuurta ambiyadooda masaajid.

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: (Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan).

Caa'isha oo ahayd muuminiinta Hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: Umu Salama waxay u sheegtay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- kaniisad ay ku aragtay dhulka xabashida, taasoo la dhoho: Maariya, waxayna u sheegtay Nabiga sawiro ay ku soo aragtay, wuxuu yiri Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " kuwaasi waa duul markuu ka dhinto qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista masaajid. wayna ku sawiraan sawiradaas, kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan khalqiga Ilaahay

Abii Hayaaj Alsdi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Cali Binu Abii Daalib ayaa igu dhahay: ma kuu diraa wuxuu Rasuulka Ilaahay scw ii diray? inaadan dhaafin sanam oo aad burburiso iyo qabri la dhisay oo aad dhulka la sinto.