- Sunada Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee waxaa loo weyneynayaa sida Qur'aanka loo weyneeyo waana la qaadanayaa.
- Adeecida Rasuulka waa adeecida Ilaahay, ku caasinta Rasuulkana waa ku caasinta Ilaahay.
- Waxaa sugan xujonimada sunada Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee iyo in laga difaaco sunada kuwa la dirirsan ama diidan .
- Qofka diidan sunada ee sheegta inuu Qur'aanka ku gaab sanayo, waa mid labadaba diidan oo ka been sheegaya wuxuu sheganayo oo ah inuu qur'aanka raacayo.
- Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, nabinimadiisa waxa cadaynaya waxaa ka mid ah: inuu sheego shay dhicidoon mustaqbalka, shaygiina sidii uu u sheegay u dhacayo.