- Waa la xarimay in qabuuraha masaajid laga dul dhiso ama lagu tukado ama in masaajida maydka lagu aaso, iyadoo looga hortagayo inay dadku shirki ku dhacaan.
- In qubuuraha laga duldhiso masaajid oo sawiro la dhigo, waa camalka ay qabtaan yuhuuda iyo nasaaradu, qofka waxaa soo kale sameeyana iyaguu u ekaanayaa.
- Waa la xarimay in la sawiro wixii ruuxi ku jirto.
- Qofka ka duldhisa qabri masaajid ee sawiro ku dul sawira, waa kan ugu sharka badan khalqiga Ilaahay Isagaa sareeyee.
- Shareecadu waxay ilaalisay towxiidka ilaalin buuxda, waxayna xirtay dhamaan meelaha ay ka imaan karaan wixii shirki keeni kara.
- Waxaa la reebay in lagu xad gudbo jacaylka dadka saalixiinta ah, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in shirki lagu dhoco.