Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Markuu wayso qaadanayo midkiin...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey qaar ka mida axkaanta dahaarada, waxaana ka mida: Midka 1aad: qofki waysaysanaya waa in...
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa soo maray laba qabri, wuxuuna yiri: "labadaba wa...
Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa soo maray laba qabri wuxuuna yiri: Labada qof ee qabriyadan ku jira waa la cadaabayaa, wax wayna...
Anas -Allaha ka raali ahaadee waxa uu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxa uu ahaa marka uu galayo suuligo inuu dhaho: "Allahayo...
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu ahaa marka uu doono inuu xaajo guto, kaadi ama saxaro, Ilaahay ayuu magan gali jiray, Isaguuna c...
Caa'isha- Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw. (Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Ilaahayna wuu raali galiy...
Nabigu scw wuxuu sheegay in laanta geedka cadayga ah iyo wixii la mida uu ka nadiifiyo afka iyo ilkaha wixii wasakha ama ur ah. Wuxuuna ka mid yahay...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaa yiri: " Waxaa muslim kasta xaq ku ah, inuu qubaysto todobadii maalmoodba maalin...
Rasuulku scw wuxuu sheegay inay xaq sugan ku tahay qofkastoo muslima qaan gaara, caaqila, inuu qubaysto todobada bari ee usbuuca maalin, oo uu maalint...

Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Markuu wayso qaadanayo midkiin biyaha sankiisa haku qaado oo hadana ha soo firdhiyo, qofka dhagax ku istinjoodana witir ha ka dhigo, markuu midkiin hurdada ka tooso ha dhaqo gacmihiisa intaanu biyaha waysada gelin, waayo ma oga midkiin halka ay gacantiisu bariday", imaam Muslim ayaa isna sidan u wariyey: "markuu midkiin tooso yaanu gelin gacantiisa weelka ilaa uu saddex jeer uu dhaqo, waayo ma oga halkay gacantiisu bariday."

Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa soo maray laba qabri, wuxuuna yiri: "labadaba waa lacadaabayaa, wax wayna lagu cadaabimaayo, mid kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray" wuxuuna soo qaatay laan timireed qoyan wuuna u kala dilaaciyey labo qaybood, qabri walbana qaybuu ku talaalay, waxay dheheen-asaxaabtii-: Rasuulka Ilaahayow maxaad sidaa u samaysaa? wuxuu yiri: "waxaa laga yaaba inay ka khafiifiyaan intaysan qalalin.

Anas -Allaha ka raali ahaadee waxa uu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxa uu ahaa marka uu galayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan galayaa shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba."

Caa'isha- Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw. (Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Ilaahayna wuu raali galiyaa).

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaa yiri: " Waxaa muslim kasta xaq ku ah, inuu qubaysto todobadii maalmoodba maalin, oo dhaqo madaxiisa iyo jirkiisoo dhan".

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu dhahay: waxaan Nabiga scw ka maqlay isagoo dhahaya: (Fidrada fiicani waa shan: gudniinka, xiiritaanka bisqanta, gaabinta shaarubaha, jaritaanka cidiyaha, rifitaanka timaha kilkilada.

Cali Binu Abii Daalib -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: waxaan ahaa nin Madi badan Nabigana scw waan ka xishoon jiray, waayo gabadhiisaan qabay, waxaan faray Miqdaad Binu Aswad, wuuna su`aalay wuxuuna yiri: xubintiisa taranka ha dhaqo hana wayso qaato.Bukhaarina waxaa ka sugnaaday: wuxuu yiri: "waysayso oo dhaq xubintaada taranka."

Caa'isha, Mu'uminiinta Hooyadood -Allaha ka raali ahaadee-waxay tiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu janaabo ka qabaysanayo wuxuu dhiqi jiray gacmihiisa, wuxuuna u wayso qaadan jiray sida salaada uu ugu wayso qaato, ka dibna wuu qubaysan jiray, isagoo faraha dhex galinaya timihiisa ilaa uu jirkiisa biyaha wada gaarsiiyo, saddex jeer ayuu biyaha isku shubi jiray, ka dibna jirkiisa kale dhan ayuu dhaqi jiray, waxay tiri- Caa'isha-: aniga iyo Rasuulka weel kaliya ayaan ku wada qubaysan jirnay, oo aan labadayadu kawada darsan jirnay biyaha.

Camaar Binu Yaasir -Allaha karaali ahaadee-wuxuu yiri: Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, ayaa hawl ii diray markaasaan isku junubay biyana waan waayey, waxaan ku gal-gashay ciida sida neefku ugu galgasho, ka dibna waxaan u imid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, xaalkaygaana u sheegay, wuxuuna yiri: " waxaa kugu filnaa inaad gacmahaaga sidan dhahdid ", wuxuuna hal mar ku dhiftay gacmihiisa dhulka, gacantiisa bidix ayuu ku masaxay tiisa midig, iyo labadiisa calaacalood oo dusha ah iyo wajigiisa.

Muqiirah-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ayaan safar la galay, waxaan u foorarsaday si aan uga siibo labada khuf, wuxuu igu yiri: " iska daa, anoo wayso qaba -ayaan galiyaye", uuna masaxay.

Caa'isha, mu'uminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Faadumo bintu Abii Xubaysh ayaa Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- su'aal waydiisay waxayna tiri: Anigu dhiig furan baan leehay oo daahir ma noqdee salaada ma ka tagaa? wuxuu yiri: "maya, taasi waa xidid dartiiye salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo salaada tuko."

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw-: "Hadii qofkiin calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin masjidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo.