- Marka laga weyso qaadanayo xadaska yar waa sharci in la masaxo khufaynka, laakiin marka laga qubaysanayo xadaska wayn waxaa lagama maarmaan ah in la dhaqo cagaha.
- masaxidu waa hal mar oo gacanta oo qoyan la mariyo khufka korkiisa oo aan xaga hoose laga masaxin.
- Waxaa loo shardiyaa masixitaanka labada khuf in marka hore waysoqab cagaha biyo lagu dhaqay ka dib la gashaday, khufkuna waa inuu yahay daahir, asturaayana lugta inta ay waajibka tahay in la dhaqo, masixitaankuna wuxuu ahaanayaa xadaska yar ka dib, qofkii janaaba qaba ama qubays ku waajibay ma masaxayo khufka, masixitaankuna waqti go'an buu leeyahay xaga shareecada, waana habeen iyo maalin qofka aan safarka ahayn, iyo saddex maaal mood iyo habeenadooda oo qofka musaafirka ah.
- Waxaa looga qiyaas qaadanayaa labada khuf wax kastoo astura lugaha sida sharabaadada iyo qayrkeed, wayna banaan tahay in la masaxo.
- Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu lahaa akhlaaq wanaagsan iyo wax baritaan wanaagsan, isagoo u diiday muqiira inuu ka baxsho labada khuf, sababtana u cadeeyey, taasoo ah inuu gashaday khufka isagoo wayso qaba, si uu muqiira u fahmo, xukunkana u ogaado.