- Qubaysigu waa labo nuuc: mid uu ku ansaxayo qubaysku iyo mid kaamil ah, kan uu ku ansaxaayo waa in qofku niyeysto dahaaro ka dibna uu jirkiisa wada gaarsiiyo biyaha isagoo luqluqanaaya oo san daarsanaya, Qubayska kaamilka ahna waa inuu u qubaysto sida Nabigu scw u qubaystay ee ku soo aroortay xadiiskaan.
- Waxaa la dhahaa janaabo qof kastoo biyaha shahwadu ka yimaadaan, ama galmo sameeya walow yaanu biyaba ka imane.
- Way banaan tahay inay ninka iyo xaaskiisu cawradooda is eegaan, kuna wada qubaystaan weel kaliya.