- Sunaha ambiyada ee Ilaahay jecelyahay raaligana ka yahay uuna faray adoomadiisa waxay dadka u tahay kamaal, wanaag iyo qurux.
- waa sharci in arimahan la joogteeyo oo aan la moogaan.
- Tilmaamahan waxay leeyihiin faa'iidooyin xaga diinta iyo xaga aduunka ah, waxaa ka mid ah: muuqaal wanaag, nadaafada jirka, iyo in dahaarada loo degdego, in gaalada la khilaafo iyo in amarka Ilaahay la qaato.
- Xadiisyo kale waxaa lagu sheegay tilmaamo kale oo fidrada ka mida, oo aan shantaan ahayn, sida: garka in la daayo, rumayga, iyo kuwa kale.