Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaadee inuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: (Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kab...
Nabigu scw wuxuu sheegay in janada iyo naartuba u dhaw yihiin dadka sida kabaha lugta ku jira ee lagu socdo oo kale, waayo waxaa laga yaabaa in camal...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: (Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu...
Nabigu scw wuxuu cadeeyey in naarta lagu hareereeyey waxyaabaha naftu jeceshahay ee xaaraanta ah iyo waajibaadka oo laga gaabiyo. Qofka naftiisa raacs...
Abuu Hureyra Allaha ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka wariyey inuu yiri: Markuu I...
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay in Ilaahay markuu abuuray janada iyo naarta, uu ku yiri: malakul Jibriil nabad gelyo Alla...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate inuu yiri: Dabkiinu waa hal qayb oo ka m...
Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay dabka aan shidano inuu yahay qayb ka mida todobaatan qaybood oo naarta jahanama ka mid ah....
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- isagoo dhahaya: Ilaahay...
Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaadee inuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: (Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, naartuna waa la mid).
Abuu Hureyra Allaha ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka wariyey inuu yiri: Markuu Ilaahay Abuuray janada iyo naarta wuxuu u direy janada malakul jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee, wuxuuna ku yiri: soo eeg janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda, wuu soo eegay oo soo noqday wuxuuna yiri cisadaada ayaan ku dhaartee qofkii maqlaa wuu galin, ilaahay wuxuu amray in lagu wareejiyo waxa naftu neceb tahay, wuxuuna ku yiri aad oo soo eeg janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu soo eegay, wuxuuna arkay iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu neceb tahay, wuu soo noqday wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa inaan qofna galin, ilaahay wuxuu ku yiri aad naarta oo soo eeg iyada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu aaday wuxuuna arkay iyadoo is kor saaran, wuu soo laabtay wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee cidina galimayso, ilaahay wuxuu faray in lagu wareejiyo waxa naftu jeceshahay, wuxuuna yiri ku noqo oo soo eeg, wuuna ku laabtay oo soo eegay mise waaba iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu jeceshahay, wuuna soo laabtay oo yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa in qofna ka bad baadi waayo.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate inuu yiri: Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo naarta jahanama ah, waxaa lagu yiri Rasuulka Ilaahayow, dabkaan ayaa ku filan. wuxuu yiri: waxay ka sii badan tahay sagaal iyo lixdan qaybood oo dhamaantood kulaylkeeda oo kale wada leh.
Cabdullahi Binu Camar Allaha ka rali ahaado isagiyo aabbihiiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: xawdkaygu wuxuu le`eg yahay intii bil socodkeeda, biyihiisu way ka cad yihiin caanaha, caraftiisuna way ka udug badan tahay miskiga, weelashiisuna waa sida xidigaha samada, qofka ku caba waligii ma haraadayo.
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka rali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate: Waxaa la keenidoonaa dhimashadii oo u eg wan galaalan, mid dhawaaqa ayaa ku dhawaaqin: dadka janadow, qoortaasay kor u soo istaagin oo soo fiirin wuxuu oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna soo wada arkeen, hadana wuu dhawaaqin, kuwa naarta ku suganow, wayna soo qoor taagayaan waana soo eegayaan, wuxuu ku oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna wada arkeen, markaasaa la gawricin, ka dib wuxuu oran: kuwiina janada ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, kuwiina naarta ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, mar kaasuu akhriyin Ayada: {Nabiyow uga dig maalinta shalaytada iyadoo la go'aamiyey arinkooda iyagoo qaflad ku sugan} [surada maryam:39], kuwaas qaflada ku sugani waa kuwa aduunka jooga { iyagu Ilaahay ma ay rumayn} [maryam:39].
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu yiri: "Qofka gaadiidka saaran ayaa salaamaya kan lugaynaya, kan lugaynayana wuxuu salaamayaa kan fadhiya, dadka tirada yarina kuwa tirada badan bay salaamayaan."