- Waa in la rumeeyo in janada iyo naartu haatan joogaan .
- Waa waajib in la rumeeyo qeybka iyo wax kasta oo ka yimid xaga Ilaahay iyo Rasuulkiisa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
- Muhimad yuu leeyahay in lagu sabro waxa naftu neceb tahay, waayo waa jidka lagu gaaro janada.
- Muhimad ayey leedahay in xaaraanta oo laga fogaado, waayo waa jidka naarta ku gaynaya.
- Ilaahay wuxuu ku wareejiyey janada waxa naftu neceb tahay, naartana waxa naftu jeceshahay, taasina waxaa keenaya itaxaanka nolosha aduunyada.
- Jidka janadu wuu adag yahay wuuna dhib badan yahay, wuxuuna u baahan yahay sabir iyo in iimaanka loo dhabar adaygo, jidka naartuna waxaa ka buuxa macaanka aduunka iyo waxay naftu rabto.