- Xaqa loogama tago cabsi laga qabo dadka hadlkooda.
- Nabigu scw wuxuu leeyahay hidaayada dalaalada iyo tan hanuuntinta ee malaha hidaayada towfiiqda.
- Way banaan tahay booqashada gaalka buka si loogu yeero diinta Islaamka.
- Nabigu scw wuxuu ku dadaalay inuu dadka diinta ugu yeero xaalad walba.