Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxu...
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu cadeeyey- in qofka dadka ku haga, tusa, oo ku booriya wanaaga iyo kheyrka hadal iyo ficil kuu do...
Abii Mascuud Alansaarii Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Nabiga scw nin ayaa u yimid wuxuuna yiri: waan gaadiid beelaye gaadiid i saar, wuxuu ku yi...
Nin ayaa u yimid Nabiga scw wuxuuna ku yiri: gaadiidkaygii ayaa iga dhintaye, i fuuli gaadiid, oo i sii waxaan fuulo oo i gaarsiiya, wuuna ka cudur da...
Sahal Binu Sacad-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri maalintii kheybar: "Waxa...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- wuxuu u sheegay asaxaabta in muslimiintu ka guulaysan doonaan yuhuuda reer kheybar beri, taasina waxa...
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabbihiiye wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri "Qofkii qolo isu ekaysiiya iyaguu ka mid yahay.
Nabigu scw wuxuu sheegay in qofkii isku ekaysiiya qolo gaalo ah ama faasiqiina ama saalixiina isagoo samaynaya wax ka mida wixii lagu yaqaanay, sida c...
Abuu hurayra-Allaha karraalli ahaadee-waxuu nabiga kawariyey-naxariis iyo nabadi korkiiye-inuu dhahay: ((qofku waa kolba diinta(dhaqanka) saaxiibkii u...
waxuu caddeeyey nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye- inuu qofku ka.shabbaho saaxiibkii xagga hab dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa, oo waliba ay saamayso...

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin, qofkase ugu yeera dadka baadil wuxuu helayaa dambiga ay yeeshaan dadka ku raacay baadilka, iyadoo aan danbigoodii waxba laga nusqaamin."

Abii Mascuud Alansaarii Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Nabiga scw nin ayaa u yimid wuxuuna yiri: waan gaadiid beelaye gaadiid i saar, wuxuu ku yiri Nabigu scw: "kuuma heli karo", nin kalaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, anaa tusaaya qof saara, Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri-: "qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrka sameeyey ajarkiisa".

Sahal Binu Sacad-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri maalintii kheybar: "Waxaan calankaan siindoonaa bari nin Ilaahay gacmihiisa ku furidoono, kaasoo Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel, Ilaahay iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin", wuxuu yiri -Sacad-: dadku waxay baryeen habeekii iyagoo ku murmaya kee loo dhiibidoonaa, markii waagu baryey ayey ku soo kalaheen Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyagoo qof walba uu rabo in loo dhiibo, wuxuu yiri: "aaway Cali Binu Abii Daalib?" waxay ku dhaheen: Rasuulkii Ilaahayow, indhahaa xanuunaya, wuxuu yiri: "u yeera", waana loo keenay, Rasuulka ayaa kaga tufay indhaha wuuna u duceeyey, wuuna bogsaday isagoo la moodo inuusan xanuusan, calankii ayuu u dhiibay, Cali ayaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, ma waxaan la dagaalamaa ilaa ay anagoo kale noqdaan? wuxuu yiri: "tartiib u soco ilaa aad degtid goobtooda, ka dibna ugu yeer Islaamka, una sheeg waxa ku waajibaya ee xaqa Ilaahay ah, Ilaahay baan ku dhaartaye in Ilaahay kugu soo hanuuniyo hal nin, ayaa kaaga kheyr badan inaad yeelato geel cas-cas".

Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabbihiiye wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri "Qofkii qolo isu ekaysiiya iyaguu ka mid yahay.

Abuu hurayra-Allaha karraalli ahaadee-waxuu nabiga kawariyey-naxariis iyo nabadi korkiiye-inuu dhahay: ((qofku waa kolba diinta(dhaqanka) saaxiibkii uu kusugan yahay uun,ee ha eego midkiin qofka uu lasaaxiibayo)).

Tamiim Addaari-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa habeenka iyo maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo guri baadiye midna ee wuu galin diintiisa, wuxuu ku galin sharafta mid sharaf leh ama dulinimada mid duli ah, sharaf uu Ilaahay ku sharfayo islaamka, iyo dulayn uu Ilaahay ku dulaynayo kufriga" wuxuu dhihi jiray Tamiim addaari: aarinkaa waxaan ku ogaaday oo aan ku arkay qaraabadayda, dhab ahaan khayr iyo sharaf bay heleen kuwa Islaamay, kuwa gaalnimo ku harayna waxaa haleelay duli, quursi iyo jisyo.

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka wariyey inuu yiri: "Allaha nafta Maxamed gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee qofka i maqla ee ummaddaan ka mid ah yahuudi ama nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaanayaa kuwa naarta gala".

Cabdullaahi Ibnu Cabaas -Allaha ka raali noqdee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu yiri: subaxdii jamratul-caqaba latuurayey, isagoo hashiisii saaran: "dhagax ii soo gur" waxaan u soo guray todoba dhagax oo yar-yar, oo kuwa far garanka ah, wuxuu bilaabay inuu gacantiisa ku ruxo oo dhaho: "kuwan oo kale uun tuura" ka dib wuxuu dhahay: "dadoow, waxaan idiinka digayaa inaad diinta ku xad gudubtaan, dadkii idinka horeeyeyba waxay ku halaagsameen diinta oo ay ku xad gudbeen."

Cabulaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri : (Way halaagsameen kuwa diinta isku adkeeya) saddex jeer ayuu yiri.

Cadiyi Binu Xaatim -Allaha ka raali ahaadee-Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Yuhuuda waa loo carooday, Nasaaraduna waa baadiyoobeen ."

Cabullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiiye wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee isagoo leh: «Ilaahay wuxuu qoray maqaadiirta khalqiga inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka Kontan kun oo sano ka hor wuxuu yiri: carshigiisuna biyaha ayuu ka sareeyey».

Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan maalmood iyo afartan habeen, ka dib wuxuu noqon xinjir intaas in le'eg, ka dib wuxuu noqon cad hiliba intaas in le`eg, markaas ayaa loo soo diraa malag, waxaana la faraa afar kalmadood, wuxuu qoraa: risiqiisa, cimrigiisa, camalkiisa iyo inuu yahay mid liibaanay ama hoogay, ka dib naftuu ku afuufin, midkiin wuxuu camal fali camalka Ahlu janaha ilaa marka uu u jiro janada dhudhun wax le'eg ayaa qadarkii u qornaa soo hormarin wuxuuna camal fali camalka Ahlu naarta markaasuu naarta galin, midkiin ayaa camal fali camalka Ahlu naarka ilaa uu u jirsado naarta dhudhun wax le'eg waxaa soo hormarin qadarkii u qornaa wuxuuna camal fali camalka Ahlu janaha markaasuu janada galayaa.