- Risaalada Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-waa diin ay u siman yihiin dhamaan aduunka waxa ku nool dhamaan, waajibna ay ku tahay in dadkoo dhami raacaan, oo ay waliba nasakhday dhamaan sharciyadii iyada ka horeeyey dhamaan.
- Qofka ku gaalooba Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ma anfacayso sheega shadiisa ah inuu rumaysan yahay Nabiyada kale- naxariis iyo nabadi korkooda ha ahaatee dhamaan-.
- Qofka aan maqlin Nabiga scw oo aanay diinta Islaamku gaarin waa loo cudur-daarayaa, arinkiisuna aakhiro Ilaahay ayuu u yaallaa.
- Qofku Islaamka wuu ku intifaacayaa inta geerida ka horaysa, haduu xataa aad u jiran yahay ilaa ay ruuxdu soo gaarto dhuunta.
- Diinta gaalada in sax lagu sheego iyadoo ay ku jiraan tan yahuuda iyo tan kiristaanku waa gaalnimo.
- Yahuuda iyo nasaarada lagu xusay xadiiskaan waxay baraarujin u tahay gaalada kale, waayo yuhuuda iyo nasaaradu waxay leeyihiin kitaabka, haduu xaalkoodu sidaa yahay, kuwa iyagu aan wax kitaaba lahayni wayba kasii daran yihiin, oo dhamaantood waxaa ku waajib ah, inay Ilaahay diintiisa soo wada galaan, Nabigana-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wada adeecaan.