- Xadiiska waxaa ku cad fadliga Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee-, iyo inuu Rasuulku uga markhaati noqday jacaylka uu Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel yahay, iyaguna jecel yihiin.
- Waxaa ku jira xadiiska siday asxaabtu ugu dadaali jireen kheyrka, oo ugu baratamayeen.
- waxaa sharci ah in waqtiga dagaalka lagu socdo aadaabta Islaamka oo laga tago seef la boodnimada iyo qaylada iyo buuqa aan loo baahnayn.
- Xadiisku wuxuu ka mid yahay adulada tusaysa Nabiga nabinimadiisa -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waayo wuxuu sheegay in laga guuleysan doono yuhuuda, iyo sida uu u daweeyey indhaha cali Binu Abii Daalib idanka Ilaahay.
- Ujeedada ugu wayn ee jihaadka laga leeyahay waa inuu dadku soo galo Islaamka.
- Dacwada Islaamku waa talaabooyin is xig-xiga, waxa ugu horeeya ee gaalka laga dalbo waa inuu Islaamka soo galo oo shahaadateynka ku dhawaaqo, ka dibna waxaa la farayaa waajibaadka Islaamka.
- Dacwada Islaamku way fadli badan tahay khayr ayaana ugu jira kan u yeeraya dadka iyo kan loo yeerayoba, waxaa laga yaabaa kan loo yeerayo inuu soo hanuuno oo kan u yeeraya uu ajar badan ka helo.