Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Baasaysigu w...
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay baasaysiga, waana qofku inuu sharaysto wax uun ama wax la maqlo ha ahaato ama wax la a...
Cimraan Binu Xuseyn Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha lo...
Nabigu scw wuxuu u goodiyey qofkii ummaddiisa ah ee sameeya ficilada qaarkood oo uu ku cadeeyey hadalkiisii uu yiri: ( naga mid maaha) waxaana ka mida...
Anas Binu Maalik -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Majirto is qaadsiini, majiro b...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay faafitaanka cudurada ay aaminsanaayeen dadkii jaahiliyadu in cudurku iskiis ugu gudbo q...
Sayd Binu Khaalid Aljuhani Ilaahay ha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate ayaa nagu...
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate salaada subax ayuu ku tukaday xudeybiya -waa tuulo u dhow Makkah- roob habeenimadii ra`ay ka dib. Markuu...
Cuqba'a Binu Caamir Aljuhani-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: "In Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ay u yimaadeen...
Rag koox ah ayaa Nabiga u yimid-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- tiradoodu waxay ahayd toban, sagaal iyaga ka mid ah ayuu Nabigu islaamnimada...

Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki,-saddex jeer", qofkasta oo naga mid ah qalbigiisa wax baasaysiga ah baa ka dhacaaya laakiin Ilaahay wuxuu kaga dhaafaa tawakulka.

Cimraan Binu Xuseyn Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro, iyo kan guntimaha sixira gunta, iyo kan u taga faaliye ee rumaysta wuxuu sheego, waanu ku gaaloobay diinta Nabi Maxamed scw lagu soo dajiyey).

Anas Binu Maalik -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Majirto is qaadsiini, majiro baaseysi, waxaanan jeclahay in wanaag la fisho", wuxuu yiri-Anas- waxaa lagu yiri -Nabiga scw-: waa maxay wanaag la fisho?, wuxuu yiri: "waa hadalka wanaagsan."

Sayd Binu Khaalid Aljuhani Ilaahay ha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate ayaa nagu tujiyey salaadii subaxa xudeybiya iyado habeenkaas roob da'ay markuu salaadii ka baxay ayuu dadka ku soo jeestey, wuxuuna yiri: ma og tihiin wuxuu Rabigiin yiri, waxay dheheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yiri: adoomadayda waxaa waagu u baryey iyago midna i rumeeyey midna kufriyey, qofkii yiraahda: ilaahay fadligiisa iyo raxmadiisa ayaa roobku noogu da'ay, waa mid I rumeeyey kuna kufriyey xidiga, qofkase yiraahda xidig hebel iyo hebel, kaasi wuu igu kufriyey wuxuuna rumeeyey xidiga.

Cuqba'a Binu Caamir Aljuhani-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: "In Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ay u yimaadeen koox rag ah, wuxuuna la mubaayacooday sagaal nin (islaamnimaduu kula balamay), nin ragaa ka mid ahaana wuu ka joogsaday oo lama mubaayacoon, waxayna ku dheheen: Rasuulka Ilaahayow sagaalna waad la mubaayacootay ninkana waad ka tagtaye maxaa jira? wuxuu yiri: "isagu xirsi ayuu xiran yahay", gacantuu geliyey ninkii oo wuu iska jaray, markaasuu suubanuhu la mubaayacooday, wuxuuna Nabigu yiri: "qofka xirta xirsi Ilaahay ayuu u shariig yeelay."

Cabullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: " Ku tufida, qardhaasta, iyo madiidadu waa shirki."

Waxaa laga wariyey qaar ka mid ah haweenkii Nabiga scw inuu Nabigu yiri: (Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen).

Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiibe waxaa laga wariyey inuu maqlay nin dhahaya: maya kacbadaan ku dhaartee, wuxuu ku yiri Ibnu Cumar: lagumo dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, anigu waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahay: (Qofkii ku dhaarta waxaan Ilaahay ahayn wuu gaaloobay ama shirki buu la yimid).

Xudayfa -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-inuu yiri: "Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna hebel ogolaado."

Maxamud Binu Labiid -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Ilaahayow? wuxuu dhahay: "waa istustuska , Ilaahay ayaa ku oran maalinta qiyaamaha kuwaa marka laga abaal mariyo dadka camalkooda: u taga kuwii aad is tusi jirteen noloshiinii aduunka, oo eega inaad abaal marin ka heshaan".

Abii Mursad Alqanawi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu dhahay: (Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda).

Abii Hureyra -Allaha karraalli ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -inuu yiri: " Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel."