- Waa xaaraan in faal la dhigo, iyo in la aado faalalow oo la waydiiyo wax qayb ah.
- Qofku wuxuu ku waayi karaa ajarka cibaadada isagoo lagu ciqaabayo macsida uu sameeyey.
- Waxaa soo galaya xadiiskaan waxa loo yaqaan burjiga iyo fiirintooda, iyo ku akhrinta calaacasha, bakeeriga iyo hadii ay xataa tahay daawsho uun, waayo kuligood waxay soo galayaan faalalowga iyo sheegashada cilmiga qaybka.
- Haday tahay taasi ciqaabta qofka faaliyaha u taga, maxaa lagu abaal marin faalalowga?
- Afartanka maalmood salaadoodu way ka ansaxaysaa qofka oo lama qalaynaayo laakiin ajar maleh.