- Waxaa suno ah marka roobku da'o ka dib in la dhaho: fadliga Ilaahay iyo naxariisti ayaa roobku noogu da'ay.
- Qofka u tiiriya nicmada soo dajinta roobka iyo nicmada kaleba xidiga abuur ahaan iyo jiritaan ahaanba waa qof gaal nimada wayn gaaloobay, haduuse u tiiriyo in xidigu sabab u yahay wuxuu gaaloobay gaalnimada yar, waayo uma aha sabab sharci ah ama xisi ah midna.
- Nicmadu sabab ayey u noqotaa gaalnimada hadaad kufrido waxay kale oo ay sabab u noqotaa imaanka hadaad ku shukrido.
- Waa la reebay in la dhoho: xidig hebel ayaa roobku noogu da'ay, haba looga jeedo xaga waqtigee, iyado laga hor tagaayo shirkiga.
- Waa waajib in qalbiga lagu xiro ilaahay markaad nafac doonayso ama aad iska celinayso dhibaato.