Abii Hureyra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey in Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee yiri: Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku...
Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay daawada ugu fiican ee su`aalaha uu ku waswaasiyo sheydaanku mu'minka. sheydaanku...
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Ilaahay baa yiri: qofka l...
Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku sheegay xadiiskaan qudsiga ah in Ilaahay weyne yiri: Qofka dhiba wali ka mida awliyadeyda,...
Cirbaad Binu Saariyah Ilaahay ka raali ahaadee wuxuu yiri: Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey...
Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu wacdiyey asaxaabtiisa wacdi xeel dheer, taasoy quluubta cabsi gelisay, indhuhuna la ilmeeyeen. Wa...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: Qofka ka hor yimaada madaxdiisa, bulshada muslimiintana ka dhex baxa ee si...
Nabigu scw wuxuu cadeeyey in qofka madaxda adeeci waaya oo ka baxa muslimiinta ku midaysan baycada Imaamka, ee sidaa ku dhinta isagoo jamaacada muslii...
Macqal Binu Yasaar AlMusani Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya: " Qofkii Ilaahay madax uga dhigo...
Nabigu scw wuxuu sheegay in qof kasta oo Ilaahay masuul uga dhigay dad, ha noqoto masuuliyad guud sida Madax wayne, ama masuuliyad gaara sida tan nink...

Abii Hureyra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey in Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee yiri: Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa, haduu halkaa soo gaaro ilaahay ha ka magan galo oo ha ka joogsado.

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Ilaahay baa yiri: qofka la colooba waligayga, waxaan ogaysiiyey dagaal, adoonkaygu iiguma soo dhawaado waxaan ka jeclahay waxaan ku waajibyey, adoonkayguna ka suulimaayo inuu iigu soo dhawaado sunanta ilaa aan jeclaado, hadaan jeclaadona: waxaan noqdaa maqalkiisii uu wax ku maqlaayey, iyo aragiisii uu wax ku arkaayey, iyo gacantiisii uu wax ku qabanaayey, iyo lugtiisii uu ku soconaayey, haduu wax i waydiistona waan siin, haduu i magan galana waan magan gelin, ma jiro shay aan sameeyo oo aan ka laba labeeyo isadaan uga laba labeeyo muminka naftiisa, wuxuu neceb yahay geerida ana waxaan nibcahay xumayntiisa

Cirbaad Binu Saariyah Ilaahay ka raali ahaadee wuxuu yiri: Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey, wacdi xeel dheer oo quluubteenu cabsatay, indhahayaguna ilmeeyeen, waxaana lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow waxaad na wacdiday wacdi sagootin ah ee noo samee balan qaad, wuxuu ku yiri: " waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay adoon xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa sunadayda iyo sunada khulafaa'u raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-, gaws dambeedka ku qabsada, waxaanan idiinka digayaa wax kastoo diinta lagu soo daro, bidco kastaana waa baadi ".

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: Qofka ka hor yimaada madaxdiisa, bulshada muslimiintana ka dhex baxa ee sidaa ku dhinta, wuxuu ku dhintay dhimasho jaahili, qofka u dagaalama calan indho la`aan ah oo baadil ah, oo uu u caroonayo qabyaalad ama ugu yeeraya qabyaalad, ama u gargaaraya qabyaalad oo ku dhinta dhimashadiisu waa jaahili, qofka la dirira ummaddayda, ee garaaca kan baariga ah iyo kan faajirka ahba, ee aan ka leexan kan mu'uminka ah, ee aan kii balanta lahaa aan u oofin balantiisii, kaasi igama mid aha aniguna ka mid ma ihi".

Macqal Binu Yasaar AlMusani Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya: " Qofkii Ilaahay madax uga dhigo shacab, oo maalinta geeridiisu joogto, dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa janada.

Umu salama, muuminiinta hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxay Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka warisay inuu yiri: "waxaa imaan doona kuwo madaxa oo samayndoona waxaad ku raacsan tihiin iyo waxaad ku diidan tihiinba, qofkii ku raaca wixii saxa wuu is beri yeelay, qofkii ku diida wixii khalad ahna wuu badbaadey, laakiin khaladku waa qofkii xumaha ku raaca oo ku raali noqda, waxay yiraahdeen: ma la diriraynaa? wuxuu yiri: maya, inta ay tukanayaan".

Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: "Waxaa imaan doona naf jeclaysi iyo arimo aad diidi doontaan" waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, maxaad nafariysaa? wuxuu yiri: "iska bixiya xaqa la idinku leeyahay, xaqiinana Ilaahay waydiista."

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "dhamaantiin waxaad tihiin Ilaaliye, waana la waydiin wixii la raaciyey, Amiirka dadka maamula waa ilaaliye isagaana la waydiin masuuliyadii uu hayey, ninka waxaa la raaciyey qoyskiisa waana la waydiin, gabadha xaaska ahna waxaa la raaciyey guriga ninkeeda iyo caruurtiisa waana la waydiindoonaa, Addoonka waxaa la raaciyey xoolaha sayidkiisa waana la waydiindoonaa, hooy dhamaantiin ilaaliyeyaal dhamaantiina waana la idin weydiindoonaa wixii la idin raaciyey."

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay dhahday: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isaga oo ku dhahaya gurigaygan dhexdiisa: "Allahayow qofkii madax u noqda ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka madax u noqda ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso."

Tamiim adaari Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: "Diintu waa naseexo " waxaan ku niri: yey u tahay: wuxuu yiri: " Ilaahay, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, madaxda muslimiinta, iyo muslimiinta oo dhan "

Abii Saciid Al-khudri Allaha ka raalli ka noqdee wuxuu yiri: waxaan ka maqlay rasuulka Ilaahay sallallaahu callayhi wasallam isagoo leh: qofkii idinka mid ah ee arka xumaan gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha iimaanka ugu liidata.

Nucmaan Binu Bashiir-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka wariyey inuu yiri: "Tusaalaha Qofka xuduuda Ilaahay ku taagan ee ilaalinaya sharciga iyo midka ku dhacaya ee aan ka waabanayn,waa sida dad doon u qori ritay, oo qaar heleen xaga sare qaar xaga hoose, oo kuwa xaga hoose markay biyo u baahdaan siimarayaan kuwa korka saaran, oo ay dhahaan: hadaan halkeenanba dalooshano, oo aynaan dhibin kuwa naga sareeya, hadaba kuwa xaga sare saarani haday u ogolaadaan sidaa dhamaantood way halaagsamayaan, hadayse ka qabtaan gacmaha oo u diidaan way bad baadi, dhamaantoodna way wada bad-baadayaan."