- Waa wax yaabaha tusinaaya Nabiga nabinimadiisa-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu sheegay waxa dhicidoona ee qaybka ah iyo inay u dheceen sidii uu u sheegay.
- Ma banaana in laga raali ahaado munkarka iyo in laga qayb qaato, waana waajib in la diido.
- Hadii madaxdu sameeyaan wax shareecada khilaafsan ma banaana in lagu raaco arinkaas.
- Madaxda muslimiinta in lala dagaalo ma banaana, waayo waxaa ka dhalanaya fasaad, dhiig la daadiyo iyo amniga oo la waayo, in loo adkaysto munkarka madaxda caasiga ah oo lagu sabro dhibkooda ayaa ka sahlan in lala dagaalo.
- Salaada arinkeedu waa mid aad u wayn, iyadaa kala saarta kufriga iyo Islaamka.