Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: "Camalku wuxuu ku ansaxayaa niyada, qof walbana wuxuu niyoodo ay...
Nabigu scw wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, qofk...
Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Qofka la yimaada wax aan diinte...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qofka ku soo dara diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil kita...
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Maalin anagoo Rasuulka Ilaahay scw la fadhina ayaa waxaa nagu soo baxay nin dharkiisu aad u cad...
Cumar Binu Khaddaab wuxuu sheeegay in malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaate wuu ugu yimid asaxaabta isagoo u eg nin aanay garanayn, sifooyinkiisa...
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiiye wuxuu yiri- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-:...
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku shabahay diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan...
Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariye inuu yiri: Nabiga ayaan la fuushanaa dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yiri: Mucaadoow, ma og t...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahay ku leeyahay adoomada, iyo xaqa adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, xaqa Ilaahay k...

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: "Camalku wuxuu ku ansaxayaa niyada, qof walbana wuxuu niyoodo ayuu leeyahay, qofka hijradiisu tahay Ilaahay iyo Rasuulki dartood, hijradiisu xaga Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayey ahaatay, qofkase hijiradiisu ahayd inuu aduunyo helo ama haweeney uu guursado darteed, hijradiisu waa waxa uu u soo hijrooday uun ". Ruwaayada Bukhaarina waxay ahad: " acmaashu waa niyada uun, qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay. "

Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Qofka la yimaada wax aan diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa. waa mutafaq. muslimna wuxuu leeyahay: "Qofka sameeya camal aan diinteena ku jirin waa lagu celinayaa".

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Maalin anagoo Rasuulka Ilaahay scw la fadhina ayaa waxaa nagu soo baxay nin dharkiisu aad u cad yahay, timihiisuna aad u madow yihiin, raad safarna uusan ka muuqan, qof naga midana aanu garanayn, ilaa uu la fariistay Nabiga, oo jilbihiisa ku tiiriyey jilbaha Nabiga scw oo uu saaray labadiisa calaacalood labada bawdo ee Nabiga scw, wuxuuna yiri: Maxamadow, iiga waran Islaamka, wuxuu ku yiri: " Islaamku waa inaad qirto in Ilaahay maahee inuusan jirin Ilaah kaloo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, oo aad salaada oogtid, sakadana bixisid, ramadaankana soontid, oo aad xajkana gudatid hadaad awoodo " wuxuu yiri: run ayaad sheegtay, Cumar wuxuu yiri: waan la yaabnay wuu waydiinayaa, wuuna u rumanayaa, wuxuu ku yiri iiga waran iimaanka, wuxuu yiri: "waa inaad rumayso Ilaahay, malaa'iigtiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta qiyaamah, qadarka Ilaahay khayrkiisa iyo sharkiisaba " wuxuu yiri: run baad sheegtay, wuxuu yiri: iiga waran ixsaanka, wuxuu yiri: "waa inaad Ilaahay u caabudo sidii adoo arkaya, hadaadan arkayn isagaa ku arkaaya " wuxuu yiri: iiga waran saacada qiyaame, wuxuu yiri: "maaha midka la waydiiyey mid uga aqoon badan ka waydiiyey " wuxuu yiri: ii sheeg calaamadaheeda, wuxuu yiri "waa inay dhasho adoontu sayidadeeda, oo aad aragto kuwii cagaha cadaa, ee cayrta ahaa, oo ari raaca ahaa oo ku tartamaya guryo dhisid " wuxuu yiri Cumar: wuu tagay, cabaar ayaan sii joogay, wuxuu igu yiri Rasuulka Ilaahay scw "Cumarow, ma garanaysay kan wax i waydiinayey? " waxaan iri: Ilaahay iyo rasuulkiisaa iga og, wuxuu yiri: "malakul Jibriil buu ahaa, wuxuuna u yimid inuu diintiina idin baro ".

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiiye wuxuu yiri- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro Ilaahay maahee ilaah kaloo xaq lagu caabudo in uusan jirin, Maxamedna adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay, salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, xajka oo la guto iyo bisha ramadaanka oo la soomo."

Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariye inuu yiri: Nabiga ayaan la fuushanaa dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yiri: Mucaadoow, ma og tahay xaqa Ilaahay ku leeyahay adoomadiisa iyo xaqa adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yiri: xaqa Ilaahay Adoomada ku leeyahay waa inay caabudaan oo ayna cidna ugu shariig yeelin, xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiina waa inuuna cadaabin qofkii aan u shariig yeelin waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow ma ugu bishaareeyaa dadka wuxuu yiri: maya ha ugu bishaareyn, yey is dhigane.

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade-: Nabigu scw Mucaad oo la fangashan ayuu ku yiri: (Mucaad Binu Jabaloow) isna wuxuu ku yiri: ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaataye, wuxuu ku yiri: (Mucaadow), wuxuu yiri: ku ajiibay Rasuul Ilaahayow farxadi ha kuu ahaataye, saddeax jeer, wuxuu yiri: ( majiro qof qiraya inuu jirin ilaah kale, Allaha xaqa lagu caabudo mooyee, Muaamadna Rasuulka Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa karun sheegaya, hadduu jirase Ilaahaybaa ka xarimaya naarta inuu galo), wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow: ma ugu bishaareeyaa dadka ha bishaaraystaane?, wuxuu yiri: (haddaad u sheegto way is dhiganayaan), Mucaad wuxuu sheegay xadiiskan geeridii Nabiga ka dib, cabsi uu ka cabsaday inuu ku dambaabo qarinta cilmiga.

Daariq Binu Ashiim Alashjaci Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya: (Qofka dhaha: laa ilaaha illa-llaah, ee ku gaalooba wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo Ilaahay wuu xarimay maalkiisa iyo dhiigiisaba, Ilaahay ayaana xisaabin doona).

Jaabir Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate, wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, waa maxay labada waajibay wuxuu ku yiri: qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn janaduu galin, qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya naartuu galin.

Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: kalimad ana mid ayaan iri, Nabigaa yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " qofka dhinta isagoo wax aan Ilaahay ahayn baryaaya naartuu galayaa," ana waxaan iri: qofka dhinta isagoon wax aan Ilaahay ahayn baryeyn janaduu galayaa.

Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu ku yiri Mucaad Binu Jabal markuu u diray Yaman: (( waxaad u tagidoontaa Qolo Ahlu kitaab ah, hadaad u tagto ugu yeer inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin, Maxamedna uu yahay Rasuulkii Ilaahay, haday intaa kaa yeelaan, u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay shan salaadood habeen iyo maalin walba, haday intaa kaa yeelaan u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay sadaqo laga qaadayo intooda maalka leh, oo lagu celinaayo intooda saboolka ah, haday intaa kaa yeelaan, waxaan kaaga digayaa xoolahooda kuwa ugu fiican inaad ka qaado, iskana ilaali ducada kan la dulmiyey, waayo isaga iyo Ilaahay xijaab uma dhexeeyo.

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga scw waxaa lagu yiri: rasuulkii Ilaahayow dadka yaa ugu mudan shafaacadaada maalinta qiyaame? wuxuu yiri Rasuulku:(dhab ahaan waxaan filayey Abaa Hureyrow in aanu i waydiinayn xadiiskaan qof adiga kaa horeeya markaan arkay sidaad ugu dadaalaysid xadiiska, qofka dadka ugu mudan shafaacadayda maalinta qiyaame, waa qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa ilaaha ilaa Allaah.)

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan ama dhowr iyo lixdan qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka: (laa ilaaha Illa-llaah), waxaana ugu yar jidka oo wixii dhib ah laga qaado, xishoodkuna waa qayb ka mida iimaanka).