qofka dhinta isagoo wax aan Ilaahay ahayn baryaaya naartuu galayaa
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: kalimad ana mid ayaan iri, Nabigaa yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " qofka dhinta isagoo wax aan Ilaahay ahayn baryaaya naartuu galayaa," ana waxaan iri: qofka dhinta isagoon wax aan Ilaahay ahayn baryeyn janaduu galayaa.
Xadiis la isku waafaqay
Sharaxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxa Ilaahay u waajibay ee ay tahay in kaligi lagu caabudo qofkii cid kale u leexiya, sida baryada Ilaahay qayrki la baryo, ama cid Ilaahay ahayn oo uu gar-gaar weydiisto, qofkaasi haduu sidaa ku dhinto naarta ayuu galayaa. Ibnu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ku siyaadiyey qofka dhinta isagoon Ilaahay cidna ugu shariig yeelin, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada.
Hadeeth benefits
Ducadu waa cibaado, mana loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn.
Towxiidka fadligiisa qofka ku dhinta janaduu galayaa, xataa hadii lagu ciqaabo danbiyadiisa qaarkood.
Shikiga khatartiisa iyo in qofka ku dhinta naarta galayo.
Share
Use the QR code to easily share the message of Islam with others