- Macnaha (شهادة أن لاإله إلا الله) waa in Ilaahay loo kali yeelo cibaadada, iyo katagida in la caabudo cidaan Ilaahay ahayn .
- Macnaha(شهادة أنّ محمداً رسول الله) waa in la aamino oo la rumeeyo Nabiga scw iyo diinta uu la yimid, iyo inuu yahay Rasuulka u dambeeya ee Basharka Ilaahay u soo diray.
- Qofka aqoonta leh iyo mid shubho aaminsan in lala hadlo la mid maha in lala hadlo mid jaahila, sidaa darteed ayuu Nabigu scw ugu baraarujiyey Mucaad hadalkiisii uu yiri: (waxaad u tagaysaa dad Ahlu kitaab ah).
- Waa muhiim in Muslimku aqoon u leeyahay diintiisa, si uu isaga dhameeyo shubuhaadka, taaso ah inuu cilmiga barto.
- Nabiga scw Markii Ilaahay soo diray ka dib waxaa buray Diintii Yuhuuda iyo Nasaarada, dadka maalinta qiyaame badbaadaya kuma jiraan ilaa ay Diinta Islaamka soo galaan, oo ay rumeeyaan Nabiga scw.