- waa tawaaduca Nabiga scw inuu fangaliyey Mucaad neefkii uu fuushanaa.
- Qaabka uu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye-wax u barayey dadka waa qaab tusaale, oo laga helayo tilmaamo badan oo wanaagsan, waxuu ku cel-celiyey yeedhmada Mucaad oo agtiisa fadhiya, si uu ugu soo jeediyo dareenkiisa, waxa uu usheegi doono
- Shuruuda shahaadada kalmada tawxiidka ee: laa ilaaha illa-llaah Maxamada Rasuulu allaah waa inay qofka run ka tahay qalbigiisana ka yaqiinsan yahay oo been iyo shakina ku jirin.
- Dadka ahlu towxiidka ah ku waarimaayaan naarta hadii xataa ay dambigooda ku galaan waa laga soo saari markay dambiga laga nadiifiyo.
- Fadliga shahaadataynku waa mid wayn qofka yiraahda oo ka run sheega.
- Waa wax banaan in dadka loo sheegin xadiis haduu ka dhalanayo sheegitaanka wax aan la rabin oo fasahaad ah.