- Waa cadaynta xaqa Ilaahay kuwaajibiyey adoomadiisa, kaaso ah inay caabudaan oo aanay cidna ugu shariig yeelin.
- Waa cadaynta xaqa adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, kaaso Ilaahay fadligiisa iyo nicmadiisa isugu waajibiyey, kaaso ah inuu janada geliyo oo aanu cadaabin.
- Xadiiskaan waxaa ku jira bishaaro wayn oo ay leeyihiin muwaxidiinta aan ilaahay cibaadadiisa cidna la wadaajin, bishaaradaas oo ah inay janada galayaan.
- Mucaad wuxuu xadiiskaan sheegay intuusan dhiman, wuxuuna ka cabsi qabey inuu ku dhoco danbiga qarinta cilmiga.
- Waa baraarujin inaan dadka qaarki lagu dhex faafin Axaadiista qaarkeed, iyadoo laga baqayo in qof macnahooda fahmi waayo, waana Axaadiista aanay ku sugnayn wax camal fal ah ama aysan ku sugnayn xad xuduuda shareecada ka mida.
- Dadka muwaxidiinta ah kuwooda caasiyada ah waxay hoos joogaan ilaahay mashii`adiisa, haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan janada.