- Waxaa sugan in Rasuulku scw uu shafaaco leeyahay aakhiro, shafaacadiisana ma helayso cidaan muwaxidiinta ahayn.
- Nabiga scw shafaacadiisu waa isagoo Ilaahay u barya qofka naartu u waajibtay inuusan naarta galin, kii naarta galayna uu shafacaada kaga soo boxo naarta.
- Fadliga ay leedahay kalimada tawxiidku iyadoo Ilaahay loo gaar yeelayo, iyo waynida raadkeeda.
- Kalimada towxiidka waxaa lagu xaqiijin karaa in macnaheeda la barto laguna camal falo waxay keenayso.
- Fadliga Abii Hurayre Allaha ha ka raali noqdee, iyo dadaalkiisa uu cilmiga ku bixiyey.