- Iimaanku waa darajooyin qaar ka fadli badan yahay qaarka kale.
- Iimaanku waa hadal iyo camal iyo caqiido.
- Ilaahay oo laga xishoodaa wuxuu keenaa: inuuna kugu arag meel uu kaa reebay, iyo inuuna kaa waayin meel uu ku faray.
- hadii tiro la sheego looma jeedo in arinku tiradaa ku kooban yahay, balse wuxuu ku tusayaa in acmaasha iimaanku badan tahay, carabtu waxaa dhici karta inay shay tiro ku sheegaan oo aysan doonayn inaysan wax qayrkiya diidin.