Abii Mascuud-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: (Qofka akhriya labada aayadood ee suuradda Al-baqara u dambe...
Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka akhriya labada aayadood ee u dambeeya suuradda Al-baqara habeenkii Ilaahay wuuka kaafiyaa sharka iyo dhibaatada, wax...
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: Nabigu scw wuxuu ahaa mid Ilaahay xusa xaalad walba oo uu ku jiro.
Caa'isha waxay sheegtay Allaha ka raali ahaad inuu Nabigu scw ahaa mid aad ugu dadaala xuska Ilaahay, oo xusa Ilaahay goor kasta, meel kasta, xaalad w...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabigu scw inuu yiri: "Majiro shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada."
Nabigu scw wuxuu sheegay inaanu jirin shay cibaadada ka mid ah ee Ilaahay agtiisa ka fadli badan ducada, waayo waxaa ku jira ducada in la citiraafo Il...
Cabdullahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali noqdo asaga iyo aabihiye wuxuu yiri: Nabigu SCW wuxuu yiri: Iimaanku wuu ku duugoobaa uurkiina sida ay...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in iimaanku ku duugoobo qalbiga muslimka, wuxuu u duugoobaa sida marada cusubi ugu duugawd...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu sujuudsan yahay ee d...
Nabigu scw wuxuu cadeeyey in adoonku markuu ugu dhaw yahay Rabigi ay tahay markuu sujuudsan yahay, taasina waa qofka tukanayaa wuxuu dhigayaa dhulka m...

Abii Mascuud-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: (Qofka akhriya labada aayadood ee suuradda Al-baqara u dambeeya habeenka way ku filan yihiin).

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: Nabigu scw wuxuu ahaa mid Ilaahay xusa xaalad walba oo uu ku jiro.

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabigu scw inuu yiri: "Majiro shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada."

Cabdullahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali noqdo asaga iyo aabihiye wuxuu yiri: Nabigu SCW wuxuu yiri: Iimaanku wuu ku duugoobaa uurkiina sida ay u duugowdo marada cusubi, Ilaahay waydiista inuu iimaanka ku cusboonaysiiyo qalbigiina.

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu sujuudsan yahay ee ducada badiya."

Anas Allaha ka raalli noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Ducada Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta naarta-ee Aakhiro."

Abii Dar-daa-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina oo idiinka khayr badan inaad dahab iyo lacag bixisaan, oo idiinka khayrka badan inaad la kulantaan cadowgiina aadna qoorta ka garaacdaan iyaguna ay qoorta idinka garaacaan?", waxay dheheen: haa Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg, wuxuu yiri: "waa dikriga Ilaahay ".

Caa'isha Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey: Nabigu scw markuu tago gogoshiisa habeen walba wuu isku qaban jirey labadiisa sacab, wuxuu ku akhrin jiray kuna tufi jiray: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}, ka dibna ku masixi jiray inta uu ka gaaro jirkiisa, isagoo ka bilaabaya madaxa iyo wajigiisa iyo inta soo qaabisha jirkiisa, saddex jeer buu samayn jiray.

Shaddaad Binu Aws-Allaha ka ralli ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: " Sayidka istiqfaartu waa inaad tiraahdo: Allahayow adigaa Rabigay ah Ilaah aan adiga ahayn ma jiro, adigaa i abuuray ana adoonkaagii ayaan ahay waxaan ku taagnahay balantaada iyo balan qaadkaaga intaan awoodo, waxaan kaa magan galayaa wixii aan sameeyey shartooda, waan qirsanahay nicmooyinka aad i siisay, waan kaaga towbadkeenay danbigayga ee ii dhaaf, adiga maahee cid kale danbiyada ma dhaaftee" wuxuu yiri: " qofkii yiraahda maalintii isagoo yaqiinsan, oo dhinta maalintaas galabtii ka hor waa Ehlu Jano, qofkii yiraahda habeenkii isagoo yaqiinsan, oo dhinta habeenkaas inta aan waagu baryin, waa Ehlu Jano".

Cabdullaahi Binu Khubayb-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan soo baxnay habeen roob da'ayo, oo gudcur ah, anagoo Rasuulka Ilaahay raadinayna si uu noo tujiyo, wuxuu yiri: waan helnay, wuxuuna yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxaan iri: maxaan dhahaa? wuxuu yiri: dheh: {قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada suuradood ee micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس" galabtii iyo subixii sadeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba".

Samura Binu Jundub Allaha ka raali ahaadee wuxu yiri: Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: "Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa.

Abii Ayuub Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: (Qofka dhaha: laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli shayin qadiir, toban jeer wuxuu la mid ahaanayaa qof xoreeyey afar qof oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah.)