Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri: "Sadaqo maal ma yareyso, adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi...
Nabigu scw wuxuu cadeeyey in sadaqdu aysan maalka yarayn, balse ay ka difaacado aafada, Ilaahayna wuxuu ugu badalaa ka sadaqada bixiya khayr wayn, wa...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay scw yiri: "Ilaahay wuxuu yiri: Ibni aadanow wax bixi aan wax ku siiyee."
Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay isagaa koreeyee uu yiri: Ibni aadanow bixi sadaqada waajibka ah iyo tan sunada ahba, waan idiin waasicin oo badal...
Abii Mascuud Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: (Markuu ninku masruufo reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, sadaqo...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: Qofkii daynta ka suga qofka saboolka ah, ama ka dhaafa,...
Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka u kaadiya kan daynta qaba ama ka cafiya daynta, waxaa lagu abaal mariyaa in Ilaahay hariyo hooska carshigiisa maalin...
Jaabir Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: (Allaha u naxariisto nin wanaag badan hadii uu wax iibinaayo, haduu...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri: "Sadaqo maal ma yareyso, adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi mooyee, qofkii Ilaahay darti u tawaaducana Ilaahay ayaa kor u qaada.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: Qofkii daynta ka suga qofka saboolka ah, ama ka dhaafa, Ilaahay wuxu hariyaa hooska carshigiisa maalinta qiyaame ee harkiisa mooyee aan har kale jirin.
Jaabir Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: (Allaha u naxariisto nin wanaag badan hadii uu wax iibinaayo, haduu wax soo gadanaayo, iyo haduu gar naqsanaayoba.)
Khawla Alansaariya Allaha ka raali noqde ayaa tiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya: "Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, naar ayey leeyihiin maalinta qiyaame."
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay isagoo leh: (qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida maalintii hooyadi dhashay.
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiiye wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Majiraan maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay maalmahan) waxaa loo jeedaa maal maha tobanka hore ee bisha dul-xija, waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, ma xataa jihaadka diinta Ilaahay loo jihaadayo? wuxuu yiri: xataa jihaadka, inuu yahay mooyee nin u baxay jihaad oo naftiisii iyo maalkiisiiba ku bixiyey oo aan waxba ka soo noqon).