Sadaqo maal ma yareyso, adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi mooyee, qofkii Ilaahay darti u tawaaducana Ilaahay ayaa kor u qaada
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri: "Sadaqo maal ma yareyso, adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi mooyee, qofkii Ilaahay darti u tawaaducana Ilaahay ayaa kor u qaada.
Waxa wariyay Muslim
Sharaxaad
Nabigu scw wuxuu cadeeyey in sadaqdu aysan maalka yarayn, balse ay ka difaacado aafada, Ilaahayna wuxuu ugu badalaa ka sadaqada bixiya khayr wayn, waxayna noqotaa mid badisa ee aan yarayn.
Qofka dadka iska cafiya isagoo awooda inuu ka aarsado ama uu u qabsado qofkii, Ilaahay wuxuu ugu bedelaa awood iyo cisi.
Qofka Ilaahay darti u tawaaduca oo isu bihinbihiya, isagoon qofna ka cabsanayn ama iska jeedinayn ama aan nafac kaga doonayn, llaahay wuxuu abaal uga dhigaa inuu sarayn iyo sharaf siiyo.
Hadeeth benefits
Khayrka iyo liibaantu waxay ku jiraan in loo hogaansamo shareecada, iyo in khayrka la falo haba la ahaato dadka qaarki in arintu sidaa ka duwan tahaye.
Share
Use the QR code to easily share the message of Islam with others