- Fadliga tobanka maalmood ee bisha dil-xija waa mid aad u wayn, sidaa darteed waxaa la gudboon qofka muslimka ah inuu ka faa'iidaysto maalmahaa, u hogaan sanaanta amarka Ilaahay badsado, sida xuska Ilaahay, akhrinta Qur'aanka, takbiirta(Allaahu akbar), tahliisha(laa ilaaha illa-llaah), taxmiidda(Alxamdu lilaah), salaada, sadaqada, soonka ,iyo dhamaan camalka wanaagsan.