- Waxaa la isku booriyey sadaqada iyo in jidka Ilaahay wax lagu bixiyo
- Ku bixinta maalka meelaha khayrka ahi waxay ka mid tahay asbaabta ugu waawayn ee Ilaahay ku barakeeyo risiqa kuna labanlaabo iyo in wixii uu bixiyey adoonku Ilaahay badalkeeda siiyo.
- Xadiiskani wuxuu ka mid yahay axaadiista uu Nabigu naxariis iyo nabad korkiiye Ilaahay ka wariyey, waxaana lagu magacaabaa xadiis alqudsi ama xadiis Al-Ilaahi, waana xadiis ereyadiisa iyo macnahooduba xaga Ilaahay ka yimaadeen, Qur'aankana la mid maaha oo laguma caabudo Ilaahay akhriskiisa, looma dahaaro qaato, taxadiga iyo icjaaska Qur'aanku leeyahayna malaha xadiisul-qudsigu.