- Waa in qalbiga la ilaaliyo oo la islaaxiyo, oo laga sifeeyo sifo walba oo xun.
- Qalbiga waxaa lagu islaaxiyaa ikhlaaska, camalkana waxaa lagu islaaxiyaa raacida Nabiga scw, labadaas ayaa Ilaahay eegayaa oo lagu qiimaynayaa.
- Qofku yaanu ku kadsoomin xoolahiisa, quruxdiisa, jirkiisa iyo shay walba oo ka mida quruxda aduunka.
- Waa laga digayaa in lagu gaabsado waxa oogada ka muuqda iyadoo aan la islaaxin wixii uurka jira".