Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabigu scw uu yiri: (ka fogaada toddobada lagu halaagsamo ), waxay yiraahdeen: Rasuulkii Il...
Rasuulka Ilaahay wuxuu Ummaddiisa faray inay ka fogaadaan todoba dambi oo ah macaasi lagu halaagsamo, markii la waydiiyey ee la yiri waa kuwee? wuxuu...
Abii bakrata-Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: (Waar hooy ma idiin sheegaa dambiyada kuwa ugu waawayn:?) saddex jeer, waxay dh...
Cabdullaahi Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaadee wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: (Dambiyad waawayni waa: Ilaahayoo loo shariik yeelo, waalid...
Nabigu scw wuxuu cadeeyey dambiyada waawayn, waana kuwa loo balan qaaday cida samaysa ciqaab adag oo aduunyada iyo aakhiraba ah.
Tan koowaad: Ilaah...
Cabdullaahi Binu Mascuud- Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay- naxariis iyo nabadi korkiis ha ahaatee-ayaa yiri: "Waxa ugu horeeya e...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay waxa ugu horeeya ee loo kala xukumayo dadka is dulmayey maalinta qiyaamaha waa: dhiiga, s...
Cabdullahi Binu Camar Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu dhahay: "Qofka dila gaal mucaahida ma urin doono carafta janada, carafte...
Nabigu scw wuxuu cadeeyey goodiga adag ee ku soo arooray adag qofka dila mucaahad waana gaalka ku soogala dhulka muslimiinta heshiis iyo amaan, qofkaa...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabigu scw uu yiri: (ka fogaada toddobada lagu halaagsamo ), waxay yiraahdeen: Rasuulkii Ilaahayow maxay yihiin? wuxuu yiri: (waa Ilaahay oo loo shariig yeelo, sixirka, dilka nafta Ilaahay xarimay in xaq lagu dilo mooyee, cunida ribada, cunida maalka agoonta, cararida maalinta jihaadka iyo in la qadfo gabdhaha muxsinaatka ah ee muuminiinta ah ee aan warba hayn).
Cabdullaahi Binu Mascuud- Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay- naxariis iyo nabadi korkiis ha ahaatee-ayaa yiri: "Waxa ugu horeeya ee dadka loo kala xukumaayo maalinta qiyaamaha waa dhiiga".
Cabdullahi Binu Camar Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu dhahay: "Qofka dila gaal mucaahida ma urin doono carafta janada, carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan sano".
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: "Qofka jecel in loo waasiciyo irsaaqadiisa oo loo dheereeyo cumrigiisa, ha xiriiriyo qaraabadiisa."
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Waxaan idiinka digayaa malaha, waayo maluhu waa warka ugu beenta badan, dadka ha baar baarina, ha basaasina, oo ha is xasdina, hana kala jeensanina, hana isku caroonina, adoomada Ilaahay oo walaalaa ahaada".