- Waxaa xaaraan ah, bixinta laaluushka, qaadashadiisa, kan dilaalkiisa, u gar-gaarkiisa, waayo wuxuu soo galayaa isku kaalmaynta baadilka.
- Laaluushku waa dambiyada waa wayn, waayo Rasuulka Ilaahay scw wuu lacnaday qofka qaata iyo kan bixiyaba.
- Laaluushku marka la joogo gar soorka iyo xukunka waa dulmiga iyo dambiga ugu wayn, waxa ku jira dulmi iyo in lagu xukumo wax uusan Ilaahay soo dajin.