- Nabigu scw si fiican ayuu wax u baray, waayo masalada wuxuu u soo jeediyaa sida suaal oo kale.
- Asaxaabtu aadaab fiican ayey Nabiga scw kula dhaqmeen markay yiraahdeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og.
- Qofkii la waydiiyo wax uusan aqoon wuxuu oronayaa: Ilaahay ayaa og.
- Shareecadu way dar yeeshay bulshada iyada oo ilaalisay xuquuqda iyo walaaltinimada u dhexaysa.
- Xantu waa xaaraan marka laga reebo xaalado qaarkood oo maslaxo ku jirto, waxaana ka mida: joojinta dulmiga, isaga oo dhibbanuhu sheego ka dulmiyay, una sheego cida awooda u leh inay xaqiisa uga qaado, wuxuu dhahaya: hebel baa i dulmiyey, ama waxaas iyo waxaas buu igu sameeyey, waxa kaloo ka mida: talo siinta qof guur kaala tashaday iyo shuraako ama la darsid iyo wixii la mida.