- Raximku waa qaraabada ka soo jeeda xaga aabe iyo xaga hooyo, mar kasta oo uu noqdo qaraabo dhaw isagaa sii awlaysan in la xariiriyo.
- Abaal marintu waa nooca camalka, qofkii qaraabadiisa ku xiriiriya wanaag iyo ixsaan, Ilaahay wuxuu u xiriiriyaa cimrigiisa iyo irsaaqadiisa.
- Xiriirinta qaraabadu waxay sabab u tahay in irsaaqada loo waasiciyo waxay kaloo sabab u tahay in cimriga loo dheereeyo inkastoo ajasha iyo risqiguba qoran yihiin, laakiin waxay noqon kartaa in loo barakeeyo risqiga iyo cimriga, oo uu qabto wax ka badan kana nafac badan dadka kale waxay qabtaan, waxaa kale oo lagu sheegay risqiga iyo cimriga si dhab ah in loogu siyaadiyo, Ilaahay ayaa og.