- Dhaarta qamuusku malahan kafaara gud, khatarta ay leedahay iyo dambi waynideeda darteed, waxayse leedahay towbadkeen.
- Afartaan dambi ee sheegidooda lagu koobay xadiiskaan waa waynida dambigooda, ee maha inay dambiyada waawayn intaa ku eg yihiin.
- Dambiyadu waxay u qayb samaan waawayn iyo yar yar, dambiyada waa wayni waa: dambi kasta oo ay ku soo aroortay ciqaab aduunka ah, sida danbiyada xuduuda leh ama lacnada, ama goodi kale, sida goodiga inuu naar gali doono, dambiyada waa waynina waa sida jaranjaro, qaarba qaar kaga sii adag yihiin xaaraanimada, dambiyada yar-yari waa wixii kuwaa waa-wayn ka soo hara.