- Dambiga ugu wayn waa in Ilaahay loo shariig yeelo, waayo Ilaahay wuxuu ka dhigay kan ugu horeeya uguna wayn dambiyada, waxaana cadaynaya sidaa, hadalka Ilaahay ee {Ilaahay uma dambi dhaafo in loo shirki yeelo, wixii ka hooseeyase qofkuu doono ayuu u dhaafaa}.
- Waynida Xuquuqda labada waalid, waayo xaqooda Ilaahay ayaa ku xiriiriyey xaqiisa.
- Dambiyadu waxay u qaybsamaan waawayn iyo yaryar, dambiyada waawayni waa: dambi kasta oo ay ku soo aroortay ciqaab aduunka ah, sida Xuduuda iyo Lacnada, ama goodi aakhiro, sida goodiga inuu naar galidoono, dambiyada waawayn way kala sareeyaan oo qaar ayaa xarimaada kaga sii adag qaarka kale, dambiyada yaryari waa wixii kuwa waawayn ka soo hara.