Shadaad Binu Aws Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw labo ayaan ka xifdiyey isagoo dhahaya: "Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo...
Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay nagu waajibiyey inaan shay walba u ixsaan falo, Ixsaankuna: waa in Ilaahay si joogto inoo ilaalinaayo, oo uu eeg...
Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiibe wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: "dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtii...
Nabigu scw wuxuu sheegay kuwa dadka ay maamulaan iyo eheladoodaba cadaalad iyo xaqa ku xukuma, waxay ku fariisanayaan kuraas dhaa-dheer oo nuur ka sam...
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey inuu yiri: "dhib majiro is dhibidna majirto, qofka dadka dhiba Ilahay ay...
Nabigu scw wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in qofku ka joojiyo naftiisa iyo dadka kaleba dhibka nooca uu yahayba iyo qaab uu yahayba qofna uma banaan...
Abii Muusa Alashcari -Allaha ka raalli ahaadee- Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka wariyey inuu yiri: " Waxay la mid yihiin kan...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu tusaale u keenay labo nooc oo dadka ka mid ah: nooca 1aad: waa qofka la fadhiya saaxiibka wan...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey-: Nin inuu ku yiri Rasuulka: ii dardaaran, Nabiguna ku yiri; " ha caroon " wuu ku celceliyey d...
Asaxaabta Nabiga mid ka mida ayaa waydiistay Nabiga scw inuu tuso wax anfacaya, wuxuu faray inaanu caroon, oo macnaheedu yahay inuu ka fogaado sababta...

Shadaad Binu Aws Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw labo ayaan ka xifdiyey isagoo dhahaya: "Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo, hadii aad wax dilaysaan dilka wanaajiya, hadii aad gawracaysaan gawraca wanaajiya, mididana afeeya, oo neefka u raaxeeya.

Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiibe wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: "dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadhiyaan minbar nuur ah, kaasoo ah midigta Ilaahay casa wajala, iyadoo labadiisa gacmoodba ay midig yihiin, dadkaasu waa kuwa cadaalada ku suubiya xugunkooda, reerkooda iyo cidii ay masuulka ka yihiinba.

Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey inuu yiri: "dhib majiro is dhibidna majirto, qofka dadka dhiba Ilahay ayaa dhiba, qofka dadka ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeyo ".

Abii Muusa Alashcari -Allaha ka raalli ahaadee- Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka wariyey inuu yiri: " Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin saalix ah iyo kan la fadhiya nin xun sida kan sita catarka Miskiga iyo kan dabka afuufaya, kan catarka Miskiga sita: waa inuu kuu mariyo ama aad ka iibsatid, ama aad ka heshid caraf udgoon, kan dabka afuufayana: waa inuu dharka kaa gubo ama ay kaa soo gaarto ur qarmuun".

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey-: Nin inuu ku yiri Rasuulka: ii dardaaran, Nabiguna ku yiri; " ha caroon " wuu ku celceliyey dhowr jeer wuxuu ku yiri: " ha caroon ".

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka Ilahay ka wariyey inuu yiri: "Ma aha kan xooga lihi kan dadka legda, ee kan xooga lihi waa kan naftiisa hanta markuu caroodo.

Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiiye wuxuu yiri: Nabigu scw wuxuu maqlay nin ka waaninaaya walaalkii xishoodka, wuxuuna ku yiri: " "xishoodku iimaankuu ka mid yahay ".

Miqdaam Binu Macdi Karib Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: (Hadii qofku Ilaahey darti u jeclaado walaalkiisa muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay).

Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiibee wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: "Wax kastoo wanaag ahi waa sadaqo."

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Xubin kasta oo xubnaha jirka ka mida waxaa ku waajiba sadaqo, maalin kasta oo qoraxdu soo baxdo, labo qof oo uu dhex-dhexaadiyo waa u sadaqo, haduu ka caawiyo nin gaadiidkiisa isagoo gacan ku siinaya inuu fuulo ama alaabtiisa u soo dhiiba waa u sadaqo, hadalka fiicana waa u sadaqo, talaabo walba oo uu masaajidka u qaadaana waa u sadaqo, dariiqa oo dhibka uu ka fogeeyana waa u sadaqo."

Abii Barsata Alaslami-Allaha karaalli ahaadee- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu dhahay: "Maalinta qiyaame qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo jirkiisii wuxuu ku dhameeyey".

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: "qofka u adeega garoobka iyo maskiinka, wuxuu la mid yahay mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaya, ama qof habeenkiina cibaado u taagan maalintiina sooman".