- Waxaa la isku boorinayaa, iskaashi iyo in la is kafaalo qaado iyo in la caawiyo dadka baahan ee daciifka ah.
- Cibaadada waxaa soo galaya camal kastoo wanaagsan, waxaana ka mida cibaadada in loo adeego garoobka iyo miskiinka.
- Ibn Hubayra: wuxuu yiri: waxaa loo jeedaa Ilaahay kor ahaaye qofkaas wuxuu isugu darayaa ajarka qofka sooman iyo kan cibaadada u taagan iyo mujaahidka hal mar ayuu wada siin, waayo garoobka ayuu u gacan qabtay sida ninkeedii ...., sidaas oo kale wuxuu u garab istaagay miskiinka waxba qabsan kari waayey, wuxuu heli karay iyo xoogiisiiba wuu sadaqaystay wax tarkiisu wuxuu u dhigmaa soomka, qiyaamka iyo jihaadka.