- Qaabka ay iskugu rakiban yihiin lafaha iyo xubnaha aadanuhu waa nicmooyinka Ilaahay ee ugu waaweyn, waxaana loo baahan yahay in xubin walba sigaar ah looga sadaqo bixiyo, si ay u noqoto mahadnaqa nicmadaas.
- Waxaa la is jeclaysiinayaa in la cusboonaysiiyo mahadnaqa maalin kasta, si ay nicmadaasi joogto u noqoto.
- Waxaa la is jeclaysiinayaa in la joogteeyo sunaha iyo sadaqada maalin kasta.
- Fadli wayn ayuu ku jira in dadka la heshiisiiyo .
- Waxaa la isku boorinayaa in ninku walaalkiis caawiyo, waayo caawintiisu waa sadaqo.
- Waxaa la isku boorinayaa in la tago jamaacaadka oo loo socdo salaada, oo masaajida lagu camiro arinkaas.
- Waa waajib in la ixtiraamo dariiqa muslimiintu marayaan lagana fogeeyo wixii muslimiimta dhibayaa.