Cuqba Binu Caamir Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: (Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa...
Rasuulka Ilaahay scw wuxuu cadeeyey in shuruuda ugu mudan in la fuliyo ay tahay shardiga lagu xalaashaday ku raaxaysiga dumarka, waana shuruud mubaax...
Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiibe wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay scw inuu yiri: (Aduunyadu waa raaxo, raaxada aduuna w...
Nabigu scw wuxuu sheegay in aduunyada iyo waxa dhex yaalaba ay yihiin wax waqti kooban lagu raaxaysto, ka dibna tagaya, raaxada aduun waxaa ugu fiican...
Cabduraxmaan Binu Abii Laylaa waxaa laga wariyey inay la joogeen Xudayfa oo codsaday in la waraabiyo markaasaa waxaa waraabiyey nin majuusi ah, markuu...
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu u diiday raga inay xirtaan dharka xariirta ah dhaaman noocyadiisa kala duwan. Raga iyo dumarkab...
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabbihiibee-: Wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu diiday qasciga.
Wuxuu diiday Nabigu scw in timaha madaxa qaybna laxiiro qaybna la daayo. diidmadanu waa guud ahaan raga yaryar iyo kuwa wawaynba, dumarkase uma ban...
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiye wuxuu Nabiga scw ka wariyeyn inuu yiri: "Gaabiya shaarubka garkana daaya".
Nabigu scw wuxuu faray in la gaabiyo shaarubka, oo aan la dayn balse lagu xeel dheeraado gaabinta. Taa baddalkeed wuxuu amray Rasuulku scw in la da...

Cuqba Binu Caamir Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: (Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa tii aad ku xalaashateen farjiga).

Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiibe wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay scw inuu yiri: (Aduunyadu waa raaxo, raaxada aduuna waxaa u khayr badan gabar saalixad ah.

Cabduraxmaan Binu Abii Laylaa waxaa laga wariyey inay la joogeen Xudayfa oo codsaday in la waraabiyo markaasaa waxaa waraabiyey nin majuusi ah, markuu galaaskii qabtay ayuu ku tuuray isagii, wuxuu yiri: hadii aan la ii diidi lahan mar iyo labo maahee, waaba isaga oo aad moodid inuu leeyahay: sidaa ma sameeyeen, laakiin Nabigaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ha xiranina xariirta iyo diibaajka, hana ku cabina weelasha dahabka iyo fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo gaaladaa aduunka wax ku cuna inaguna aakhiraan leenahay."

Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabbihiibee-: Wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu diiday qasciga.

Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiye wuxuu Nabiga scw ka wariyeyn inuu yiri: "Gaabiya shaarubka garkana daaya".

Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- wxuuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey inuu yiri: "Yaanu eegin ninku cawrada nin kale, haweenayduna yaanay eegin cawrada naag kale, ninna yaanu la huwan nin kale hal maro, haweenayna yaanay haweenay kale la huwan hal maro."

Cabdullaahi Binu Camar Allah ka raali ahaado isaga iyo aabihiye wuxuu yiri: Nabigu scw ma ahayn mid af xun oo ma xishoode ah, wuxuuna dhihi jiray: " waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican."

Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw inuu yiri: (Qofka muuminku wuxuu ku gaaraa akhlaaq wanaagiisa darajada qofka sooman ee salaad u taagan).

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Muuminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa dumarkooda u khayroon.)

Abii Hurayra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu badan ee naarta lagu galo, wuxuuna yiri: "waa afka iyo farjiga."

Anas Binu Maalik Allaha ka raali noqdee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa kan dadka ugu akhlaaq fiican.

Wuxuu yiri sacad Binu Hishaam Binu Caamir-markuu u galay Caa'isha-Allaha ka raali ahaaadee-: Hooyadii mu'uminiintaay, ii sheeg akhlaaqdii Nabiga scw, waxay tiri: Qur'aanka miyaadan akhrin? waxaan iri: haa, waxay tiri: akhlaaqda Nabigu scw wuxuu ahaa Qur'aanka.