- Muuminka waxaa ku haboon inuu ka fogaado fuxshiga, hadlka xun iyo ficilka xun.
- Rasuulka scw akhlaaqdiisa kaamil nimadeeda kama soo bixi jirin camal saalixa iyo ereyo fiican maahee.
- Akhlaaq wanaagu waa goob banaan oo lagu tartamo, qofka u dheereeya wuxuu ka mid noqonayaa muuminiinta ikhyaartooda ee iimaankoodu kaamilka yahay .