- Raga waa ka xaaraan inay ku labistaan xariirta iyo diibaajka, goodi adag ayaa ugu soo arooray qofkii labista.
- Haweenka waa u banaan tahay inay ku labistaan xariirta iyo diibaajka.
- Waa xaaraan in wax lagu cuno oo wax lagu cabo weelasha dahabka iyo fidada weelasha labadaas laga sameeyey rag iyo dumarba waa ka xaaraan.
- Xudayfa aad ayuu u adkeeyey diidmada isticmaalka weelashaa kor ku xusan, waayo ninkaan mar wax ka badan ayuu ka reebay isticmaalka weelasha dahabka iyo fidada, laakiin ma uusan ka joogsan.