/ Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa kan dadka ugu akhlaaq fiican

Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa kan dadka ugu akhlaaq fiican

Anas Binu Maalik Allaha ka raali noqdee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa kan dadka ugu akhlaaq fiican.
Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Rasuulka Ilaahay scw ayaa dadka ugu akhlaaq badnaa, isagaana ugu horeeyey dadka dhamaan xaga Akhlaaqda wanaagsan oo dhan, sida hadal wanaaga, gacan furnaanta, bashaash nimada, dhib la'aanta, u dul qaadashada dadka dhibkooda.

Hadeeth benefits

  1. Kaamilnimada akhlaaqda Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiiye- ayaa ku cad xadiiskaan.
  2. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiiye- wuxuu ahaa tusaale dhamaystiran xaga dhaqan iyo akhlaaq wanaaga.
  3. Waxaa lagu boorinayaa dadka inay kaga daydaan Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiiye- akhlaaq wanaaga.