- Waa la reebay in la eego cawrooyinka marka laga reebo ninka iyo xaaskiisa.
- Islaamku wuxuu ku dadaalay in bulshadu daahir ahaato oo la xiro dariiq walba oo faaxisho keenaya.
- Way banaan tahay eegmada cawradu markay baahi keento sida daawaynta iyo wixii la mida, waana inaan shahwad loo taaban.
- Qofka muslimka ah waxaa la faray inuu cawradiisa asturo oo indhihiisana ka laabto cawrada dadka kale.
- waxaa reebida lagu gaar yeelay rag la jooga rag kale iyo dumarka la jooga dumar kale, waayo taasi waxay keenaysaa inay is eegaan oo cawrada faydaan.