(Muuminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa dumarkooda u khayroon.)
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Muuminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa dumarkooda u khayroon.)
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed
Sharaxaad
Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka dadka ugu iimaan badan uu yahay kan akhlaaqdiisu fiican tahay, taasoo ah waji furnaanta, wanaag samaynta, hadal wanaaga, iyo dhibka oo uu iska daayo.
Muuminiinta waxaa ugu khayr badan kuwa dumarkooda u khayr roon, sida xaaskiisa, gabdhihiisa, walaalihiis iyo dumarka qaraabadiisa ah, waayo kuwaasaa u xaq leh akhlaaq wanaagiisa.
Hadeeth benefits
Waa fadliga akhlaaqda wanaagsan iyo inay ka mid tahay iimaanka.
Camalku iimaan kuu ka mid yahay, iimaankuna wuu kordhaa wuuna yaraada.
Islaamku wuu maamuusay dumarka wuxuuna ku booriyey in loo ixsaan falo.
Share
Use the QR code to easily share the message of Islam with others