Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee inuu yiri: "Maalin qoraxi soo baxdo waxaa ugu kh...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in maalin qoraxi soo baxdo maalinta jimcuhu ugu khayr badan yahay. Sifooyinkiisa waxaa k...
Thawbaan Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa markuu salaadda ka baxo saddex jeer buu istiqfaarsan jiray, wuxuuna yiri:(...
Nabigu scw wuxuu dhihi jiray markuu salaadda ka baxo: Astqfirullaah, Astaqfirullaah, Astaqfirullaah. Ka dibna Rabigii ayuu waynaynayey, wuxuuna ora...
Abii Subeyr Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Wuxuu ahaa ina Subeyr mid dhaha salaad kasta gadaasheeda marka uu salaama naqsado: (...
Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa markuu ka boxo salaad kasta oo waajib ah inuu akhriyo dikraan wayn macnihiisuna waa: (Laa ilaaha ilaa Allaah): maji...
Waraad oo ahaa qoraagii Muqiira Binu Shucba Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Muqiira Binu Shucba ayaa ii yeeriyey qoraal uu u diraayey mucaawiye: I...
Nabigu scw wuxuu oran jiray salaad kasta oo faral ah gadaasheeda: majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, waana kaligii oo malaha wax la wadaa...
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Qofka Ilaahay u tasbiix...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qofka dhaha salaada faralka ah gadaasheeda: 33jeer: (subxaana Allaah) waana Ilaah...

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee inuu yiri: "Maalin qoraxi soo baxdo waxaa ugu khayr badan maalinta jimcaha, iyadaa Aadam la abuuray, iyadaana janada la galiyey, iyadaana laga soo saaray, qiyaamuhuna dhicimaayo maalin aan jimce ahayn".

Thawbaan Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa markuu salaadda ka baxo saddex jeer buu istiqfaarsan jiray, wuxuuna yiri:( Allahayow adaa salaam ah, oo salaamtu kaa timid, waad hor ahaatay, waxaad tahay Ilaaha Jalaalka iyo Karamka u saaxibka ah). waliid wuxuu yiri waxaan ku iri awsaaci: qaabkay ahayd istiqfaartu? wuxuu yiri: Astaqfirullaah, Astaqfirullaah.

Abii Subeyr Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Wuxuu ahaa ina Subeyr mid dhaha salaad kasta gadaasheeda marka uu salaama naqsado: (majiro ilaah aan Allaha xaqa ah ee keligi ah ahayn, mana jiro wax la wadaaga boqornimadiisa, isagaana leh mahad oo dhan, wax walbana isagaa awooda, xeelad iyo awood aan isaga xagiisa ahaynna majirto, Ilaahay mooyee ilaah kalana majiro, isaga mooyee cid kalana macaabudayno, nicmada iyo fadliga oo dhanna isagaa iskaleh, amaan wanaagsanna isgay u sugnaatay, Ilaahay maahee Ilaah kale majiro, isagaan u barax tiraynaa camalkayaga iyo umuuraha diinta oo dhan, xataa haday gaaladu dhibsadaan) wuxuuna dhahay: ( wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -mid dhaha dikrigaan salaad kasta dabadeeda).

Waraad oo ahaa qoraagii Muqiira Binu Shucba Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Muqiira Binu Shucba ayaa ii yeeriyey qoraal uu u diraayey mucaawiye: Inuu Nabigu scw dhihi jiray salaad kasta oo faral ah gadaasheeda: majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, waana kaligii oo malaha wax la wadaaga Ilaahnimadiisa iyo cibaadadiisaba, Isagay u sugnaatay mulki oo dhan iyo mahad oo dhan, Isagaana wax walba awooda, Allahayow majirto cid diidi karta wax aad bixinaysid, mana jirto cid bixin karta wax aad diido, mid awood lihina awoodiisu xagaaga wax uga tarto".

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."

Abii Umaama-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu yiri: "Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto".

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Waxaan Nabiga ka xafiday-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- toban rakcadood: labo duhurka ka horaysa, labo ka dambaysa, labo maqribka ka dambaysa oo gurigiisa uu ku tukan jiray, labo ka dambeeya cishaha oo gurigiisa ku tukan jiray, labo subaxa ka horeeya, waxayna ahayd saacad aan loo soo galin Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, Xafsa ayaa ii sheegtay inuu ahaa marka uu mu'adinku adimo ee fajrigu soo boxo wuxuu tukan jiray labo rakcadood, hadalkale oo laga wariyey ayaa ahaa: wuxuu tukan jiray jumcada ka dib labo rakcadood.

Abii Qataada Alsalami Allaha ka raali ahaadee wuxuu Rasuulka scw ka wariyey inuu yiri: "Hadii midkiin soo galo masaajidka ha tukado labo rakcadood, intaanu fariisan".

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay scw inuu yiri: (Hadaad ku tiraado saaxiibka: aammus, maalinta jumcada, iyadoo imaamku khudbaynaayo, laqwi baad la timid).

Cimaraan Binu Xusayn -Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan qabay babaasiir, Nabiga scw ayaan waydiiyey sidaan salaadda u tukadaa, wuxuuna yiri: (Ku tuko istaag, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodi waydidna adoo dhinac u jiifa tuko).

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: "Salaada lagu tukado masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun salaadood oo lagu tukaday masaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo masajidka xaramka".

Maxamud Binu Labiid Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Cusmaan Binu Cafaan ayaa damcay inuu masaajidka dhiso, dadkiina way dhib sadeen arinkaa, oo waxay jeclaysteen inuu sidiisa u daayo, wuxuuna yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti masaajid u dhisa isagana Ilaahay ayaa janada uga dhisa mid la mid ah".