Salaada lagu tukado masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun salaadood oo lagu tukaday masaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo masajidka xaramka
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: "Salaada lagu tukado masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun salaadood oo lagu tukaday masaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo masajidka xaramka".
Xadiis la isku waafaqay
Sharaxaad
Nabigu scw wuxuu cadeeyey fadliga ay leedahay salaada lagu tukado masajidkiisa, iyo inay ka fadli badan tahay kun salaadood oo masaajida kale ee dhulka, ee aan ahayn masajidka xaramka Makkah, waayo masaajidka xaramka Makkah salaada lagu tukadaa way ka fadli badan tahay tan lagu tukado masjidka Nabiga scw.
Hadeeth benefits
Ajarka salaada lagu tukado masaajidka Xaramka iyo masaajidka Nabiga waa la laalaabaa.
Salaada masaajidka Xaramku waxay ka fadli badan tahay boqol kun oo salaadood oo masaajida kale lagu tukado.
Share
Use the QR code to easily share the message of Islam with others