- Waa xaaraan hadalku marka khudbada jumcadu socoto, xataa qofka wax xumaana ha u reebee ama salaan haka qaado mid kale ama mid handhisay ha u duceeyee.
- Arinkaa waxaa laga reebayaa qofka imaamka la hadlayaa ama imaamku la hadlaayo.
- Labada khudbadood inta u dhaxaysa waa la ogol yahay hadalka haday baahi keento.
- Nabiga scw hadii la xuso imaamkuna khudbada ku jiro hoos baad ugu salliyi Nabiga scw sidaasoo kale aamiinta ducadana hoosbaa loo dhihi.