Saalim Binu Abii Jacdi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: nin ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan nasto, waaba iyadoo aad moodid inay arinkaa...
Nin asaxaabta ka mid ahaa ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan raaxaysto, dadkii la fadhiyey ayaa arinkaa ku ceebeeyey, wuxuu yiri: Nabiga scw...
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto in yar ayuu aamusi ji...
Cabdulaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- Waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu...
Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaa inuu saddex meelood oo salaada ka mida gacmihiisa kor
u qaado ilaa meel la siman garabka...
Cubaada Binu Saamit-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inuu yiri: ((Salaadi kama ansix...
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay salaadi ansaxayn faatixada la'aanteed, waayo waa rukni ka mida arkaanta salaadda...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade, wuxuu yiri: Rasuulku scw salaad walba wuu takbiirsan jiray tan faralka ah iyo tan sunahaba, ramadaanka iyo qayrki...
Abuu Hurayra waxuu wariyey-Allaha ka raalli ahaadee-qeyb ka mida sifooyinkii/qaabkii salaadda Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiiye-waxuuna ka warrama...
Saalim Binu Abii Jacdi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: nin ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan nasto, waaba iyadoo aad moodid inay arinkaa ku ceebeeyeen, wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw waxaan maqlay isagoo dhahaya: "Bilaalow, salaada aqiim oo noogu raaxee".
Cabdulaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- Waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa ilaa meel ku aadan garbihiisa markuu salaada xiranaayo, iyo haduu rukuuca u takbiirsado, iyo haduu madaxiisa kor uga soo qaadayo rukuuca, sidaas oo kale ayuu gacmihiisa kor ugu qaadi jirey, wuxuuna dhahaayey: "Ilaahay wuu maqlaa qofkii ku xamdiya, Rabiyow aday mahadi kuu sugnaatay", sidaana kuma samayn jirin sujuuda.
Cubaada Binu Saamit-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inuu yiri: ((Salaadi kama ansixin qofka aan Akhrin suuradda faatixada)) waa qofka aan imaam ku xirnayn, qofka imaamka ku xirtay oo waqti uu faatixada ku akhriyo ka gaari waayey ma khuseeyo xaddiisku.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: "Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn: {salaada u oog xuskayga} [suuratu Daaha:14]"
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: "Salaadaha ugu culus munaafiqiinta waa labada salaadood ee cishaha iyo subaxa, hadayse ogaan lahaayeen waxa ku jira ee fadligooda ah waxay ku imaan lahaayeen gurguurasho, waxaan ku hamiyey in salaada la aqiimo oo aan nin jamaca tujiya aan u diro, aniguna intaan kaxaysto rag xirmooyin xaabo ah sita oo aan aadno qolada aan salaada imaanin oo aanu dab ku soo gubno guryahooda.